Mudo Ku Dhaw 24 Saac oo Koonfurta Iyo Bartamaha Soomaaliya uu Internetku ka Maqnaa uu Dib usoo Laabtey.

0
382

Ku dhowaad 24 saac oo uu hawada ka maqnaa Internet-ka bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto Caasimadda Muqdisho ayaa lagu guuleystay in dib loo soo celiyo.

Internet-ka ayaa u maqnaa cilad farsamo xaggeeda ah,  sida mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda is-gaarsiinta iyo teknoolajiyada ay Warbaahinta u xaqiijiyeen.

Ciladda ayaa aheyd dhibaato gaartay Cable-ka badda yaalla ee Internet-ka koonfurta Soomaaliya siiya,  sida uu sheegay wasiirka wasaaradda is-gaarsiinta Soomaaliya  Eng. Cabdi Canshuur.

Dhinaca kale,  wuxuu sheegay iney jiraan qorshaha dhowr Cable oo kale oo xoojin doona halka Cable ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maqnaashiyaha Internet-ka koonfurta Soomaaliya ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha iyo wax-barashada dalka.