Hogaaminta Madasha Wasiirada Waxbarashada ee Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya La Wareegtay.

0
297

Wasaaradda waxbarashada ee Jamhuuriyadda fedaralka Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaaminta madashada wasiirrada waxbarashada ee Jaamacadda Carabta,  xilkaan ayaa Soomaaliya ugu dembeysay sanadkii 1983-dii.

Xilkaan ayaa waxay wasaaradda waxbarashada dalka hayn doontaa muddo labo sano ah.

Wasiir-dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa u sheegay warbaahinta in Soomaaliya iney qabato mas’uuliyaddan ay u leedahay muhiimad gooni ah.

“Runtii xilkaan waxaan innoogu dembeysay qabashadiisa muddo fog,  waxayna maanta innoo sameyneysaa micno gaar ah ‘ ayuu u sheegay saxaafadda wasiiru dowlaha waxbarashada dalka Cabdiraxmaan Maxamuud.

Soomaaliya oo dib ugasoo kabaneyso colaadihii muddada dheer dalka ka jiray,  ayaa hadda kasoo muuqaneysa saaxadihii caalamka ee lagu yaqaannay bari hore.