Dalka Mozambique Gobol Saliida Hodan Ku ah oo Dad Farabadan Ka Qaxayaan.

0
609

Dad fara badan ayaa ka cararaya magaalada ku taalla xeebta ee Mociboada Praia ee waqooyiga dalka Mozambique, kadib dagaallo xooggan oo halkaasi ka bilowday una dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada koox Islaami ah.

Qaar kamid ah dadka ayaa ku barakacaya doomo halka qaar badan oo bulshada deegaanka ahna ay isku qarinayaan dhul keyn ah oo miyiga ku yaalla.

Ciidamada dowladda ayaa adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca, dagaalka labada dhinac ayaa kulul waxaana la isku adeegsanayaa hub culus.

Ciidamada dowladda ayaa isku dayaya in ay ka adkaadaan kooxdaan jihaadiga ah, kuwaas oo markii labadaad qabsaday magaaladaasi sanadkaan oo keliya.

Ururka Islamic State ayaa markii ugu horreysay sheegtay in ay waddankaasi ka dagaallamayaan.

Ugu yaraan 700 oo ruux ayaa lagu dilay dagaallada ka soconaya waddankaasi, tobannaan kunna way ku barakaceen colaadaha ka aloosan Gobolka Cabo Delgado labadii sano iyo barkii u dembeeyay, waxaana Gobolka lagu dagaallamayo uu qani ku yahay Gaas.