Ciidamo Ilaalo U ah M/weyne Deni oo Soo Gaarey Dhuusamareeb.

0
335

Puntland ayaa ciidamo suga ammaanka madaxweyne Deni u dirtay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo uu ka furmayo shirka madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Deni ayaa isagu maalinta berri ah u safraya Dhuusomareeb, isagoo horey usii kaxaysandoona ciidamo kale oo dheeri ah.

Ciidamada Puntland ee maanta loo diray Dhuuso mareeb waxaa ka muuqata inay yihiin ciidamo si adag loo qalabeeyay, waxayna safar dhulka ah ku tagayaan Dhuuso mareeb iyagoo wata gaadiidka dagaalka.

Arintaan kusoo aadaysa xilli ay soo baxayeen warar ku saabsan in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay walaac ka muujiyeen ciidamada Haramcad ee gacanta ku haya ammaanka Dhuusomareeb.

Galmudug ayaa sheegtay in ay socdaan dacaayado lagu qalqal galinayo qabsoomida shirka Dhuusomareeb, waxayna meesha ka saartay habo yaraatee in wax cabsi ah laga qaba ciidamadan.