Booliska Afhayeen U Hadley oo Sheegay In Qaraxii Maanta Aaney Dad Rayid ah Waxba Kasoo Gaadhin.

0
464

Tafaasiisha uu bixiyay booliska Soomaaliya ayaa waxay muujineysaa in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqtay qaraxii saakay lala eegtay xarunta laanta canshuuraha booliska ee magaalada Muqdisho oo ku taalla degmada Xamar jajab.

Afhayeenka Booliska Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in 5 askari oo ku sugnaa bar laga ilaaliyo xarunta ilaalada canshuuraha booliska ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay xarumaha caafimaadka ee ku yaalla Muqdisho.

“Ma jiraan cid shacab ah oo wax ku nqoqtay qaraxaas” ayuu ku yiri hadalkiisa.

Dhinaca kale, wuxuu tilmaamay in ay baarayaan gaariga is qarxiyay, kadibna ay faah-faahin dheeraad ah ay la wadaagi doonaan warbaahinta si shacabka ay u helaan xog sax ah oo dhameystiran.

Gaariga is qarxiyay ayaa waxa uu qeexay inuu yahay mid nooca raaxada ah .