Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageersan tahay in heshiis nabadeed laga gaaro muranka webiga Niil ee ka dhexeeya Masar, Ethiopia iyo koonfurta Suudaan.
Amb, Cawad, ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya taageersan tahay xalka nabadeed ee Liibiya. Ma sheegin inay dowladdu la safan tahay ama taageersan tahay dhinac kamid ah dhinacyada ku hardamaya dalka Libya.
Hadalka wasiirka arrimaha dibadda ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan dalka Masar uu ka codsaday Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay inay soo dhex galaan muranka qotada dheer ee kala dhexeeya Itoobiya oo ku saabsan biyo-xireenka weyn ee Niil.Adis-Ababa ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal lagu bilaabayo $ 4.6 bilyan biye xireenka bisha soo socota, iyada oo aan loo eegin in wax heshiis ah la gaadhay.
Masar iyo Itoobiya labaduba waxay ka dhawaajiyeen tillaabooyin militari oo ay ku ilaalinayaan danahooda, waxeeyna halis ku tahay inay burburaan wada hadalada.