M/weynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo Maanta Cadaado Gaarey.

0
794

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa maanta si weyn loogusoo dhaweeyay magaalada Cadaado oo uu maanta gaaray, isagoo ay wehlinayaan xubno sare oo kamid ah mas’uuliyiinta Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu maalmihii dembe socdaal ku gaalaa-bixinayay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Galmudug, si guud ahaan madaxda maamulkaas iyo bulshada deegaannada kala duwan ay u wada shaqeeyaan.

Bulshada Cadaado, maamulka iyo salaadiinta dhaqanka ayaa soo dhoweyn heerkeedu sarreeyay u sameeyay madaxweynaha Galmudug, oo inta badan hannaankiisa hoggaanka si wacan loo soo dhoweeyay.

Xarunta Madaxdooyada Cadaado ayuu kula hadlay Shacabka , isagoo hoosta ka xariiqay in reer Cadaado looga baahanyahay in qeyb ka noqdaan geeddi Socodka dib u dhiska Galmudug.

Sidoo Kale Ayaa Madaweynuhu Sheegay In Shacabka Reer Cadaado La Ogyahey Wax Tarkooda Iyo Marti Gelinta Sida ay Ku Yihiin Kuna Amaanan Yihiin,hadana Laga Rabo In ay Dib U Dhiska Galmudug Qayb weyn Ka Qaataan.