M/goboleedyada Galmudug iyo Puntland oo Heshiis Ku Gaarey Gaalkacyo.

0
685

Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis wada shaqayn ah ku gaaray magaalada Gaalkacyo kadib markii ay kulan gaar ah yeesheen labada madaxweyne iyo guddiyo ay kala hoggaaminayeen.

Labada maamul ayaa sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha amniga, iskaashiga, kobcinta dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo nabadaynta, sida uu tilmaamay madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor.

“Waxaan kalsooni ku qabnaa heshiisyada aan halkaan ku gaarnay inay Puntland iyo Galmudug dhaafidoonaan oo Soomaali weyn uu sii anficidoono,” ayuu yidhi madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in hay’addaha amniga ee labada dhinac iyo kuwa dhaqaalaha ay si joogto ah u wada shaqayn doonaan, si buu yidhi aan fursad loosiin kooxaha ka faa’idaysta khilaafka labada maamul.

Tan Iyo Intii M/weyne Qoor Qoor uu Xilka Galmudug La Wareegay Ayuu Horumar Ka Sameeyey Dib u Heshiinta Beelaha iyo Amniga Taas oo Hadda U GUdubtey Dawlad Goboleedyada Dariska La ah Maamulkiisa Taas oo Yididiilo Gelisay Dadka Galmudug iyo Dariskoodaba.