Deeq Caafimaad Imaaraadku Soo Mariyey Isra’iil oo Dawladda Falastiin Diiday.

0
541

Maamulka Suldada Falastiin ayaa si cad u diiday gar-gaar loogu tala-galay ka hortagga Coronavirus oo ay Imaaraadka usoo mariyeen Isra’el  Khamiistii shalay,  maamulkaas ayaa   sheegay in loo baahnaa in deeqdaasi si toos ah loogu soo hagaajiyo madaxda Falastiin, iyadoo aan lasoo marsiin dhinaca Yuhuudda.

“Tani waxay muujineysaa in aanu jirin wax iskaashi ah oo ay la leeyihiin Falastiin, sidaas daraadeed ma qaadan karno deeq noocaas ah” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay wasiirka Caafimaadka Falastiin Mai Alkaila oo shir jaraa’id qabtay.

“Waxaan nahay maamul madax bannaan, xiriirkuna waa in uu noqdaa mid innaga toos noogu yimaada” ayuu hadalkiisa ku daray.

Boqortooyada isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa si cad u shaacisay markii ugu horreysay diyaarad ay leeyihiin oo xamuul ah oo duuleysa garoonka Abu Dhabi kuna degeysa Tel Aviv , taas oo sidda gargaar caafimaad oo ku socda Falastiin.

Warbaahinta maxalliga ah ee Isra’el ayaa ku warantay in Imaaraadku ay xiriir lasoo sameeyeen Tel Aviv  in Falastiin loo gaarsiiyo deeqdaas, sidaas waxa ay weriyayaashu kasoo xigteen wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil iyo hay’adda Barnaamijka cuntada Adduunka ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeya ee WFP.

Xiriirka Imaaraadka iyo Isra’el

Ma jiro xiriir toos ah oo dhinaca diblumaasiyadda ah oo ay leeyihiin Israa’iil iyo Imaaraadka carabta , laakiin hadda waxaa ka dhexeeya isbaheysi aan toos aheyn oo ka dhan ah Iiiraan

Falastiin iyo taageerayaasheeda waxay aad uga soo horjeedaan xiriirka caadiga u’ ekaanaya ee labada dhinac {Imraadaadka iyo Isra’el) , waxayna door bidayaan cadaadis xooggan oo la saaro xukuumadda Tel Aviv si ay meesha uga saarto dhibaatada ay ku haayso Falastiiniyiinta , dhulka ay ka xoogtana ugusoo celiso, sidoo kalena la dhammeeyo dhibaatooyinka ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee lagu haayo shacabka.

Sanadkii lasoo dhaafay wasiirka arrimaha dibadda ee Isra’el ayaa booqday Abu Dhabi, isagoo dowladda Imaaraadka kala xaajooday waxa loogu yeeray khatarta sii kordheysa ee Iiraan.  Waxaana la filayaa in Isra’el ay ka qeyb-gasho barnaamijka World Expo ee Adduunka oo sanadkaan 2020-ka ka dhici lahaa Dubai, kaas oo dib loogu dhigay sababo la xiriira xanuunka COVID-19.

Duullimaadkii ka baxay Abuu Dhabi ee gaaray Tel Aviv ayaa waa uu immaanayaa xilli Isra’el ay xoog ku haasato dhulka Falastiin ee ku yaalla daanta galbeed ee Wabiga Urdun.

War ay horay u tebiyeen warbaahinta Isra’el ayaa lagu sheegay bishii April in muwaadiniinta Yuhuudda ee ka xayirmay Maroco sababo la xiriira Coronavirus ay Imaaraadku soo daabuli doonaan.

Faafintaanka xanuunka COVID-19 ayaa laga cabsi qabaa inuu kor u kaco gudaha Falastiin, waxaana horay loo diiwaan-geliyay 400 oo xaalad iyo dhimashada 2 qof, hase-ahaatee waxaa yar awoodda dhinaca  caafimaad uu u leeyahay Maamulka Maxamuud Cabbaas Abuu Maasin.