Arrimaha Iskaashiga Amniga oo ay Kulan Ka Yeesheen Madax Ka Kala Socotey G/mudug iyo Puntland.

0
614

Masuuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo kulan gaar ah ku yeeshay Gaalkacyo, ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashaan lahaa ammaanka gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo kulanka kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in labada maamul ku heshiiyeen sidii loola dagaalami lahaa cid kaste oo amniga Qatar ku ah.

Wasiir Dhabancad waxa uu sheegay inay labada maamul ka midaysan yihiin dagaalka ka dhan ah argigixisada islamarkaana shacabka labada dhinac laga saaridoono kala shakiga iyo in cadowgu ka faa’idaysto.

Dhinaca Kale Madaxda Galmudug oo uu Horkacayey Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi Ayaa U Muuqdey Madax ay ka Go’antahey In Amniga Gaalkacyo Si Wadajir ah Wax Looga Qaban Doono,Wasiir Fiqi ayaana Si Buuxda Ula Wareegay Baraha Kontorol ee Dhinaca Maamulka Galmudug Taas oo iyididiilo Galisay Dad Badan oo Kasoo Kala Jeeda Labada Maamul ee ay Magaalada Gaalkacyo Kulmiso.

Kulanka masuuliyiintaan ayaa yimid maalmo kadib markii Gaalkacyo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Axmed Muuse Nuur.