Daawo: M/weynaha Puntland oo Sheegay In uu Muqdisho Booqasho Ku Tagayo.

0
712

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay tagi doonaan magaalada muqdisho iyo caasimadaha dowlad gobaleedyada.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan ku sheegay intii lagu guda jiray shirka golaha wasiiradda Puntland ee maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada.

”Waxaan Golaha wasiiradu isla garteen in aniga iyo wafdi aan hogaaminayo aan tagno caasimada dalka ee muqdisho iyo caasimadaha dowlad gobaleedyada si aan gogol xaar ugu samayno inay miro dhal noqoto gogosha nabada ee uu ku baaqay shirka wadatashiga Puntland”

Warar ay Warbaahinta Siiyeen, ayaa sheegaya in madaxweyne Deni iyo wafdigii ka socday dowladda federalka ay wada gaareen is fahan buuxa ayna dowladda federalku soo dhoweysay shirkii wadatashiga Puntland iyo gogasha madaxweyne Deni uu fidiyay.

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inay horey iskusii raacaan wafdiga dowladda federalka ee weli ku sugan magaalada Garowe, kuwaas oo horey u codsaday in madaxweyne Deni uu tago Muqdisho.