Petition: U Codee Diidmada Xeer Doorasho oo Qabiil Dhiiri Gelinaya.

0
1384

Kusoo Dir Magacaaga,Telfonkaaga,iyo Halka Aad Ku Sugantahey, Emailkan/ warsom2011@gmail.com

 

 

Xisbiyo Siyaasadeed oo Kor U Dhaafaya Konton Xisbi Ayaa Maanta Shir ku Yeeshay Magaalada Muqdisho,Kuwaas oo Bayaan Diidmo ah Kala Hor Yimid Nidaamka Doorasho ee Dalka Soomaaliya,Doodiisuna Hadda Ka Socoto Barlamaanka Aqalka Sare Iyadoo ay Hore Usoo Ansixiyeen Barlamaanka Federalka Soomaaliya.

Xisbiyada ayaa Sheegay In aanu Nidaamkani Munaasab U aheyn Dalka Xiligaa Sababo Badan Awgood,ayna Wax Laga Xumaado Tahey In Golayaasha Qaranku Ku Mashquulaan Qodobo Ka Mid ah Nidaamka Doorsho Isla Markaasna Dhegaha Laga Fureysto Cabashada Iyo Codsiyada Ka Imaanaya Inta Bada Axzaabta Dalka iyo Qaybaha Bulshada Soomaaliyeed.

Xisbiyadan oo Si Cad U Qaadacey Nidaamka Doorasho ee ay Golayaashu Ka Hadlayaan In Aanu Dalku Xiligan Doorasho Ku Geli Karin Marka La Eego Xagga Amniga,Dhaqaalaha,isu Dheeli Tirnaanta Awood Qaybsiga Goboladda iyo Beelaha Soomaaliyeed,uuna Dhiiri Gelinayo Nidaamka 4.5 oo La Rabo In Laga Guuro Loona Guuro Dimuquraadiyad ku Dhisan Nidaamka Axzaabta Badan,iyo Doorasho Daah Furan oo Xor iyo Xalaal ah.

Bayaanka Xisbiyadu ku Qaadaceen Nidaamka Doorasho ee Golayaasha Qaranka Soomaaliyeed Ka Hadlayaan Ayaa U Qornaa Sidatan;–

XISBIYADA SIYAASADDA EE SOOMAALIYA

 

 

 

 

BAYAANKA AXSAABTA SIYAASADDA EE KU

AADDAN NIDAAMKA DOORASHOOYINKA DALKA

2020/2021

 

 

MOGADSHU, Dorbin H0TEL

   03/02/2020.

 

HORDHAC

 

Soomaaliya waxay maraysaa marxalad adag oo u baahan go’aan qaadasho geesinimo leh, si loo soo celiyo dhismo qaran adag oo saldhigiisu yahay caddaalad,  dimuqraadiyad iyo  sarraynta sharciga.

 

Axzaabta siyaasadeed ee dalka waxay u taagaan yihiin xaqiijnta iyo kamiro-dhalinta nidaam dimuqraadi ah oo ka hirgala Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya, sida ku cad Qodobka Kowaad ee dastuurka Qaranka oo sidan u qoran;

 

Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaal ah, lehna gobanimo, dimuqraadi ah,  oo ku dhisan matalaadda dadweynaha loo dhan yahay oo ku salaysan nidaamka Axzaabta badan iyo caddaalad bulshadeed”

 

Si loo helo  horu’mar, caddaalad iyo sinnaan buuxda,waxa shacbiga Soomaaliyeed ee daalay uu u baahan yahay  nabad, xasillooni siyaasadeed,  horu’mar iyo in laga saaro mugdiga iyo jahawareerkan gaamuray oo loo raro  iftiin iyo dimuqraadiyad uu caalamka kaga midnoqdo.

 

Laga bilaabo 1977, Soomaaliya waxay soo martay marxalado adag oo kala duwan oo  siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba dib u dhacweyni ku ridday dhismihii qarannimo.

Hase yeeshee uguma horrayso dal burburay, wayna soo kaban kartaa si dhakhso ah, haddii  lagu wajaho dadaal, daacadnimo iyo go’aanno adag oo doorasho xaq iyo xalaal ah oo dalka hore u mar u horseedda la suuro galiyo.

 

Sida lawada ogsoon yahay doorashadii 2016kii waxa laga muujiyay walaac weyn nidaamka Afar Dhibic Shan (4.5), haseyeeshee tanaasulaad iyo wada hadal dheer kaddib, waxaa lagu heshiiyay in  markaas kali ah laga dhigo doorashada mid dadban  oo ku salaysan nidaamka  Afar Dhibic Shan oo aan markale dib loogu noqonayn.

 

Bishii Juun, 2018kii, magaalada Baydhabo waxaa madaxda Dawlad Goboleedyada iyo Dawlada Federaalka ah  ku saxeexdeen heshiis  ah nooca doorasho ee dalka laga qaban doono 2020/21, kaasoo ah doorashada loo yaqaan nidaamka Isu dheelitiran, Liiska Xiran ( Propotional Representation Closed list).

 

Guddiga Doorashooyinka ee Madax Bannaan (GDMB) go’aankaas ayaa lagu hawl galiyay, wayna dhammaystireen dhammaan tallaabooyinkii iyo qorshahii ay dhigteen ee loo baahnaa si doorasho u dhacdo.

 

Sharicigii Axsaabta waa la ansixiyay,  kii doorashooyinka oo  ku salaysan nidaamkii lagu heshiiyay,  muddo 3 sannadood ah waa laga doodayay, cidkasta waa laga talo galiyay, Golaha Wasiirradu way ansixiyeen, Baarlamaankuna akhrintii koowad  ayay mariyeen. Waxa haddaba nasiib darro noqotay in laga garab abuuray mid kale oo an marxaladda dalka iyo dadku marayaan  ku habboonayn.

Haddi  la qaato nidaamkaas  cusub ee lagu taliyay, waxaa hubaal ah in dib u dhac weyni ku imaan doono geeddi socodka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

 

Dareen iyo Digniin;

 

Haddaannu nahay xisbiyada  halkaan ku saxiixan, waxaannu si wada jir ah  uga soo hor jeednaa, kana digaynaa qodobada soo socda;

 

  1. Nidaamka ay Guddiga farsamada ee Golaha Shacabka soo jeediyeen ee FPTP oo 4.5 salka looga dhigay ma waafaqsana Dastuurka Qaranka qodobkiisa 22. xarafka 2 ee qeexaya in Qof kastaa uu xag u leeyahay in la doorto amma wax uu doorto.

 

  1. Sharcigaasi mid Soomaaliya xaaladeeda anfaci kara ma ahan, waa nooc dawladaha hore u maray ay doorashooyinka ku galaan. Waxaa intaas dheer in ay ku taliyeen in 4.5 dib loogu noqdo;

 

  1. Talada Guddiga Farsamada ee Golaha Shacabka  soo qoray in kuraasta la gayn doono deegaannada isla markaana deegaanka oo dhammi u codayn doono, waxaannu u aragnaa inay nabadgelyo xumo iyo jahawareer ay arrintaasi keeni doonto;

 

  1. Nidaamkaas cusub ee la keenay wuxuu keenayaa in beelaha kuraastaas ku fadhiya ay waligood ku fadhin doonaan,  muwaadiniinta kalena  aanay xaqaas yeela  Karin;

 

  1. Nidaamkaasi ma siin doono Barakacayaasha xuquuqdoodii doorasho amma codaynta uu Dastuurku u dammaanad qaadayay;

 

  1. Maadaama uu dalku kala maqan yahay nidaamkaasi wuxuu keeni karaa in xildhibaannada ay qaarna ku yimaaddaan doorasho, qaarna ku yimaaddaan xulasho, taasoo jahawareer keeni doonta;

 

  1. Waxaa jiri doona Odayaal dhaqameed aan aqoon iyo cilmi midna lahayn oo tiro yar ah, oo mar walba iyagu goáan ka gaara masiirka dhallin yarada haweenka iyo xeerdajinta qaranka, una horseedi doona dalka marwalba hore u mar laáan.

 

 

Si loola   fal galo heshiisyada  hore u marineed ee gobolka iyo caalamka ee ay Soomaaliya  dhinaca ka tahay, waxaa lagama maarmaan ah  in siyaasaddeena  iyo dawlladnimadeennu noqoto  mid la jaan qaadda siyaasadaha aan  gobolka iyo caalamka la wadaagno.

 

Waxa  hubaal ah in Somalia ay door weyn oo siyaasad iyo  dhaqaale ay ka  qaadan karto   agendayaasha Africa 2063 amma heshiiska dhawaan dhex maray lixda dawladood ee Bariga Afrika (EAC)  haddii aan dimuqraadiyad iyo doorasho hor ah dalkeenna ka hirgalinno.

 

Sida lawada ogsoon yahay  Somalia waxay ku taallaa goobta ugu stratiijiksan caalamka iyo Gobolkaba,  uguna xeeb dheer Africa. Waxay sidaas daraadeed noqon kartaa albaabka Bariga Afrika  ugu muhiimsan ee laga galo  Qaaradda. Haddana waa dalka ugu liitaa hore u mar iyo dhaqaaleba, waxaana sal u ah nabadgalyo xumo ay sabab u tahay qabyaalladda iyo kala qoqobid dhul iyo dadba.

 

 

Talo soo Jeedin.

 

Waxaannu haddaba soo jeedinaynaa:

 

 

  1. In la qaato nidaamkii lagu jideeyaya Heshiiskii Baydhabo ee ahaa Matalaadda isu dheelli tiran, kaasoo ah kan ugu habboon marxaladda aan maraynno, markaad ka eegto xagga wadajirka mujtamaca, afkaarta, amniga iyo musuqmaasuq la’aanta.

 

  1. In doorashada 2020/21 ay noqoto mid keeni karta kalsooni buuxda iyo isu dheelli tirnaan Gobollada oo dhan, taasoo ah Nidaamka  loo yaqaanno  (Propotional Representation Closed List)  waxaana si dheelli tiran looga qaban karaa dhammaan Dawllad Goboleedyada iyo caasimadda Muqdisho.

 

  1. Liiska xiran wuxuu dawo ka yahay in codbixiyeyaashu aanay codkooda ku bixin si qabyaaladaysan oo ay u codeeyaan Afkaar iyo Axsaab si dimuqraadi ah.

 

  1. Waxaannu ku talinaynaa in doorashada lagu qabto goobihii Dawllad Goboleeyada ee lagu qabtay doorashadii  2016kii iyo gobollo kale oo lagu kordhiyo,Waxaa la dhigi karaa  sanaaduuqda  doorashada  saddex ilaa afar degmo oo nabad ah oo dawllad Goboleeyada ah iyo caasimadda 17 keeda dagmo. Magaallo walbana waxaa laga samayn karaa ilaa 4 amma 5 goobood oo laga codeeyo.

 

  1. Maadaama dalka iyo dadkuba ay qaybqaybsan yihiin waxa kali ah ee isu soo dhaweyn karaa waa xisbiyo iyo araa’ lagu heshiiyo, sidaas awgeed Somalia waa inay ka baxdaa xulasho iyo siyaasad  qabyaalad ku dhisan;

 

  1. 5 waa  nidaam caddaalad darro ku keenay  qaybo badan oo bulshada Somaliyeed  kamid ah, sida; Qabaa’illada ka  maqan  Baarlamaanka, Haweenka, dhallinyarada, Barakacoyaasha iyo dadyawga la xaqiray ee loogu yeedho dhibic shan (.5)

 

  1. Si kastaba ha noqotee waxaa maanta aad loogu baahan yahay  in sida ugu mudan, ugu fudud xagga nabad-gelyada, uguna kharashyar loo diyaariyo doorasho caddaalad ah oo aan keenin jahawareer iyo kalsooni xumo.

 

Marka doorashadu dhacdo waxaa dawlladda soo dhisaya Xisbiga ku guulaysta Waxaase lagama maarmaan ah in laga heshiiyo  qodobka 89aad  ee Dastuurka oo caddaynaya in Madaxweynaha labada Aqal ee Baarlamaanku soo doortaan.

 

Ugu dambayntii,xisbiyada siyaasada dalka waxay soo dhaweynayaan qodobada ay soo saareen qaramada midobey iyo daneeyeyaasha arimaha soomaaliya 18/Dec/2019 sidoo kale xisbiyada siyaasada dalka waxay raacsanyihiin una arkaan lagamamaarmaan 6da qodob ee ka soo baxay gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kuwaasoo la xiriiray hanaanka doorasho ee dalka ka dhici kara waqtigan iyo tixgalinta baarlamaan ay ka codsadeen in uu tixgeliyo baaqooda iyo codsigooda.

Waa fursad uu Shacbigu kusii baran karo nidaamka doorashooyinka Axsaabta iyo dimuqraadiyadda, inta  doorasho Hal Qof iyo Hal Cod  oo dalkoo  dhan ka dhacdaa  ay suuro galayso.

 

Haddii aannu Xisbiyada nahay waxaa naga goán in aan marnaba laga tanaasulin in doorasho xor ah oo xalaal ah oo diimuqraadi ah dalka ka dhacdo.

 

Waa inaan marnaba nidaamkii 4.5 ee musuqmaasuq iyo qabiil ku salaysnaa  aan fursad lasiinin ee dalka iyo mustaqbalka dhallinyarada oo 100/75 ah  iyo haweenka oo 100/65 ah  loo oggolaado xaqooda siyaasadeed sida ku qeexan Dastuurka Qaranka.

 

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
(Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo).
Ku: Raysul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya

                   (Mudanae Xasan Cali Khayre).
Ku: Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

                   (Max’ed Mursal Sh.C/raxmaan).

Ku:  Gudoomiyaha Aqalka Sare

(Cabdi Xaashi C/llaahi)
Ku: Ergayga Qaramada Midoowe Ee Soomaaliya
(James Swan).
Og: Midowga Yurub.
Og: African Union.
Og: Urur Goboleed IGAD.
Og: Jaamacada Carabta.
Og: Ururka Iskaashiga Islaamka.
Og: Safaarada TURKI Ee Soomaaliya.