Munaasabad Lagu Maamuusayay Sanad Guuradii 6aad Ee Xisbiga Midnimo Qaran Oo Muqdisho Ka Dhacday.

0
1570

Xaflad Si Heer Sare Ah Loo Soo Agaasimay oo lagu maamuusayay sanad guursadii 6aad ee xisbiga Midnimo Qaran Kaasoo ay kazoo qeyb galeen Madaxda saree e xisbiga midnimo qaran,gudiga fulinta iyo xubnaha xisbigaas xildhibaanada laba gole ee federaalka qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasada dalka odayaasha dhaqanka siyaasiyiin dhalinyaro haweyn fanaaniin iyo qeybaha bulshada dhamaantood oo munaasabada lagu casuumay.

Ugu Horeyn waxaa lagu bilaabay munaasabada aayadaha quraanka kariimka ah kadibna waxaa lagu soo dhaweeyey oo hadalo furitaan ah munaasabada ka jeediyay Wakiilka Gobolka banaadir ee xibiga Midnimo Qaran Waxaana sidoo kale munaasabada ka hadlay Sanatar C/kaafi Gudoomiye Ku xigeenka xisbiga NDP Kaasoo hampalyo iyi bogaadin u diray Madaxda iyo xubnaha xibiga Midnimo Qaran.

Sidoo Kale Waxaa goobta ka hadlay Xoghayaha guud ee xisbiga Garsoor Salaad Axmed Isagoona sidoo kale boogaadin iyo hampalyo u diray Madaxda xisbiga iyo xubnihiisa kala duwan,waxaa isna goobta ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga SNU Cali Cumar Abati oo kazoo qeyb galayaasha ku goobaabiyay in loo istaago midnimo iyo badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa iyaguna Goobta Ka Hadlay Mad aka socotay xisbiga samadoon iyo afahayeenka Talo Wadaag C/raxmaan Nuur Diinaari Iyo Madax Kale Oo Dhamaantood Hambalyo Iyo Boogaadin usoo jeediyay Sanad Guurada Xisbiga Midnimo Qaran.

Waziirkii Hore ee hidaha iyo tacliinta sare Ducaale Oo goobta ka hadlay ayaa dhaliil usoo jeediayay hogaamiyayaal hore dalka madax kaga soo noqday isagoona ku dhaliilayin ay qabiil iyo qabyaalad madal ku fadhiisteen taasoo uu sheegay in aan loo aqoon sankarin in ay yihiin kuwa hogaamin kara Xisbiyo waxna ku doonaya nidaam Qaldan.

Waxaa isna dhinaciisa munaasabada ka hadlay Cali Max’ed Nuux Timajilic Oo Ah Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Ahna Xiriiriyaha Axzaabta Siyaasada Dalka Isagoona Hambalyo Ka Dib Sheegay In Aan La Marin Habaabin Siyaasada Nadaamka axzaabta Badan oo aan la dhex gelin qabyaalad iyo wixii aan hore ugu  soo baaba’na

Tima Jilic ayaa Wuxuu si gaar ah ugu hambalyeyay shirkada Hormuud Oo Qeybteedii Xawaalada Barakaat Laga Qaaday Xayraadii Saarneen Mudo Dheer Wuxuuna Madaxda Xisbiyada Siyaasada ku guubaabiyay in la difaaca sharafta iyo dhaqaalaha shirkadaha iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyntii ayaa waxaa madasha soo xeray Ibraahim Saalax Deyfullaah oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga Midnimo Qaran Horeyna u ahaa Xildhibaan  ka tirsan Baarlamaankii 9aad iyo Gudoomiyaha xisbiga Mudane C/rasaaq Waabari Iyagoona si iskumid ah ugu mahad celiyay kazoo qeyb galayaasha munaasabada sanad guurada xisbiga wuxuuna Gudoomiye Waaberi Goobta Ka sheegay in ay dadaal dheer ugu jireen sidii ay u badali lahaayeen Madaxda haatan dalka ka taliya si nabad ahna ay ku doonayaan hogaaminta dalka doorashada soo socota ee sanad 2021.