Yusuf Dabaged: “Waan Ku Faraxsanahay Inaan Xilka Ku Wareejiyo Masuulka Cusub.

0
3

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maanta Magaalada Beledweyne kaga qeyb galay Munaasabad Xilka uu kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Cali Muxumed Caraale iyadoo xilka uu wareejiyay Guddoomiyihii hore Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Munaasabada waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle & masuuliyiin kala duwan.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka inuu ku wareejiyo masuulka cusub ee loo soo magacaabay Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa dhankiisa sheegay inuu la imaan doono waxqabad wanaagsan oo Bulshada Gobolka ay ku farxaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in xilka uu yahay meerto islamarkaana shaqada shacabka Reer Hiiraan loo haayo loo baahan yahay in la sii dar dargeliyo.

Khilaaf muddo bil ah soo taagnaa oo ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Yuusuf Dabageed ayaa ugu dambeyn maanta halkaasi lagu soo gaba gabeeyay.