Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Ku Fulisay Xubno Lagu Eedeeyay Al-shabaab.

0
2

Maxakamadda Ciidanka Qalabka ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Xukun Dil ah ku fulisay Farxaan Maxamed Samatar, Cabdinaasir Dhaqane iyo Abshir Maxamed Xaaji oo 28-Oct-2017 weeraray Hoteelka Nasa-Hablood2, kuwaasoo ka tirsanaa Kooxda Alshabaab sida ay Dawladu sheegtay.

Denbiyada ragaan la toogtay Dadka lagu eedeeyay waxaa ka mid ahaa dilka 3caruur ah oo kala ahaa Qadro Siciid Cumar oo 1 Sanno jir ah, Cumar Maxamad Cumar oo 3 Sanno jir ah, Maxamad Siciid Cumar oo 2 Sanno jir ah iyo Eedadood Madiino Cumar Maxamad oo dhabta ku haysay xilligii la dilayay, waxaana loo keenay in la tuso Awoowgood oo meesha daganaa.

Fagaaraha Cadaaladda ee Iskool Bolisiyo ayaa lagu toogtay, waxaana goob joog ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda, Gen Liibaan Cali Yarow iyo Gud Maxkamadda Darajadda 1aad, Col Garyaqaan Shuute.