Home Wararka Madaxweynaha Koofurgalbeed Oo Maanta Gaaray Magaalada Marka Ee G/Sh/Hoose.

Madaxweynaha Koofurgalbeed Oo Maanta Gaaray Magaalada Marka Ee G/Sh/Hoose.

0
4

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdui uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Marka Xaruna Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wafdigan ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yaha Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose,xubno ka tirsan maamulka Degmada Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Marka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa inta uu ku sugan yahay Marka waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Sare ee Gobolka Shabeellaha,kan Degmada,Waxgaradka iyo Bushada halkaas ku dhaqan.

Waa safarkii ugu horeeyay ee uu Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu ku tegay magaalada Marka tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha.