Allaha U Naxariistee Maxamed Ismaaciil Shuuriye Xoghayihii Guud ee Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed Ahaana Musharax M/weyne Jubaland Oo Ku Geeryoodey Weerarkii Kismaayo ee Hotel Cascasey.

0
3

Madaxda Axzaabta, Gaar ahaan Gudoonka iyo Xubnaha Gudiga Fulinta Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Waxey Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaan Guud Ahaan Umadda Soomaaliyeed Gaar ahaan Madaxda iyo Xubnaha Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed,Qoyskii iyo Qaraabadii uu Ka Baxey Marxuum Maxamed Ismaaciil Shuuriye Ex-Xoghayihii Guud ee Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed Ahaana Musharax U Taagan  Xilka M/weynenimo ee Jubaland Kaasoo Gacan ka Xaq Darani Ku Dishey Hotelkii uu Ka Degenaa Magaalada Kismaayo (Hotel Cascasey)

Shuuriye Wuxuu Ahaa Shaqsi Dhawrsan Cibaadeysta Edeb badan,Allaha U Naxariisto Xabaashana Ha u Nuuriyo,Xisbiga Daryeel,Qoyskii iyo Qaraabadii uu Ka Tageyna Samir iyo Iimaan Ha Kasiiyo,Badel Khayr leh Ha Ugu Bedelo Booskii uu Ka Baxey Bacdigiisna Alle Ma Fidneeyo Aamiin Aamiin Aamiin Geeridu Waa Xaq Waana La Wada Dhimanayaa!!.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun (Ma Dhinte Waa Allaah).