Al-shabaab oo Sheegtay Weerarka Hotel Cascasy iyo In ay Wali Ka Dagaalamayaan Gudaha Hotelka.

0
3
Ugu yaraan Labaatan qof ayaa ku geeriyootay , tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ku billowday qarax gaari oo ka socda hoteelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, iyada oo dad goobjoogayaal ah laga soo xigtay inay rag hubeysan gudaha hoteelka ka dagaallamayaan.

Ciidammada amniga Jubbaland ayaa hareereeyay hoteelka , balse ma jirto warbixin rasmi ah oo soo baxday hay’addaha amniga.

Hoteelka uu weerarka ka dhacay ayaa inta badan waxaa degga xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka, mas’uuliyiinta Jubbaland iyo qurbajoog, ma cadda inay mas’uuliyiin weerarka wax ku noqdeen.

Wuxuu ku soo aadday weerarka xilli Jubbaland ay u diyaar garoobayso doorashada madaxweynaha iyo Barlamaanka ee dhacaysa dabayaaqada sannadkan waxeyna Hadda oo Saacaddu Tahey 11:30pm La Sheegayaa in Wali Rasaas Ka Dhaceyso Gudaha Hotelka.