Shirweynaha Shaqaalaha Adduunka oo uu Khudbad Ka Jeedin Doono Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya.

0
387
Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Sadiiq Xersi Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaa oo ay uga qeybgali doonaan shir weynaha shaqaalaha adduunka.
Wasiir Sadiiq Warfaa , ayaa shirka oo ay ka qeybgalayaan madax kala duwan oo illaa heer madaxweyne ah oo  ka socda dalalka caalamka, waxaa uu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saari doono shaqo la’aanta ka jirta dalka iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaadiniinta si buu yiri xal loogu helo shaqo la’aanta iyo shaqo yarida oo dhallinyarada shaqooyin loo abuuro, iyadoo safarkan ay ku waheliyaan xubno ka socda ururrada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha.
“Shirka aan u tageyno Geneva anniga iyo wafdiga aan hoggaaminayo waa mid muhiimad inoo leh … waxaan haddana gudbiyay codsi dalkeenna muddo fara badan ma uusan bixin lacagta xubin-nimada ee ururka oo sannad walba looga baahanyahay inay bixiyaan dowladaha , waxaan codsanay in maaddama dalkeenna uu dhibaato badan ku jiray in lacagta laga cafiyo , si aan u helno codka aan ku lahayn .” ayuu yiri wasiir Sadiiq.
Wasiirka ayaa sheegay inuu dadaal badan ku bixinayo sidii Soomaaliya ay dib ugu soo ceshan lahayd codka ay ku lahayd ururka shaqaalaha adduunka,waxaa kalo uu inta ku daray inuu kulan doceedyo la qaadanayo madaxda shirka ka qeybgalaya si loo helo barnaamijyo u sahlaya bulshada Soomaaliyeed inay shaqooyin ku helaan dalka.
Shir weynaha shaqaalaha adduunka ayaa Geneva ka furmaya tobbanka bishan June, wuxuu soconaya illaa 21 -da bishan,iyadoo shir weynaha shaqaalaha adduunka uu u dabaal-deggayo sannad-guurradii boqollaad.
Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Sadiiq Xersi Warfaa ayaa casuumad rasmi ah ka helay wasiirka dhaqaalaha iyo horumarka dowladda Jarmalka oo ay ka wada-hadli doonaan kor u qaadidda xirfadda gacanta iyo sidii arrinta ay dowladda Jarmalka uga caawin lahayd Soomaaliya, waxaana wasiirka uu booqasho ku tagi doonaa magaalada Bonn ee dalka Jarmalka.
Waxaa kalo uu sheegay, Wasiir Sadiiq Warfaa inuu wada-hadalka uga faa’iideysan doono sidii dowladda Jarmalka ay uga caawin lahayd Soomaaliya in dib loo furo iskuulkii farsamadda gacanta ee ku yaalla caasimadda Muqdisho iyo sidii loo dhisi lahaa machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha.
Gabagabadii, wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay  u istaagan sidii dalkeenna ay  wada-jir ay ugu dhisi lahaayeen oo xoogga la saaro waxa ka dhaxeeya bulshada.