Markii Ugu Horeysay oo Dawlada Dhexe Qoraal Digniin ah ugu Jeedisay Dad ay Ugu Yeertay Qaran Dumis.

0
319

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay digniin culus u dirtay islamarkaana sheegtay in ay talaabo ka qaadi doonto shaqsiyaad ay ku eedeysay in ay waddaan falal lidi ku ah jiritaanka Qarannimada iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Warkaan ayaa ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya waxaana lagu sheegay in dadkaasi si adag loola xisaabtami doono, waxaa ay dadkaa ku tilmaamtay in ay ka mid yihiin mas’uuliyiin hore.

Waxaa kaloo dowladdu sheegtay in shaqsiyaadka digniintu ku socto ka tirsanaan karaan dowladda dhexe ama heer dowlad gobolleed, kuwaa oo sida ku cad qoraalka caadeystay in ay garab siiyaan ficilada dhaawacaya Qarannimada.

Qoraalka ka soo baxay dowladda ayaa u dhignaa siddan :