Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Shaqada Aduunka Ee Ka Dhacday Magaalada Genva.

0
369

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo hoggaaminaya wafdi saddex-geesood ah ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka oo halkaa shalay ka furmay.

In ka badan 5,000 oo wakiillo oo ay ku jiraan 40 madaxda dowladaha ayaa sidoo kale shirka ka qeygalaya, kaas oo ku soo aadday sannad-guurradii boqollaad ee hey’adda shaqaalaha adduunka.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa muddada uu shirka socdo waxaa uu  ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo shaqo la’aanta ka jirta dalka , sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaadiniinta iyo shaqo abuuro loo helo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir, Sadiiq ayaa sidoo kale dedaal ugu jira sidii ay Soomaaliya dib ugu soo ceshan lahayd xubnimada ururka shaqaalaha adduunka loogana cafin lahaa deyn lagu leeyahay dalka muddo dheer taas oo ah dhaqaalo ay ururka ku taageeran sannad walba dowladaha xubnaha ka ah, waxaa kalo uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda dalalka caalamka iyo wakiillada kale ee shirka ka qeybgalaya.

Shir weynaha shaqada caalamka ee maanta Geneva ka furmay ayaa socon doona illaa 21-da bishan June waxaan madaxda caalamka ay dhamaantood ka dhowr sugayaan qadobada ka soo baxa.