Taliyihii Boliska Hiiraan Iyo Sarkaal Kale Oo Ku Dhintay Iska Hor Imaad Ka Dhacay Kala Bayr.

Hiiraan

Taliyihii booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow Xalane iyo sarkaal kale ayaa ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay maanta deegaanka Kala-beyr ee degmada Jawiil gobolka Hiiraan.

Goobta iska hor-imaadka uu ka dhacay ayaa waxay il-dhaqaale u tahay maamulka Hir-Shabeelle waxana lacago canshuur ah looga qaadaa gaadiidka isaga gala goosha gobollada dhexe iyo Itoobiya.

Arrintani waxay daba socotaa muran ka dhashay xil ka qaadis uu madaxweynaha Hir-Shabbeelle ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Share on Facebook