Maamul Goboleedyada Xubnaha Ka ah Dawladda Federalka oo Kasoo Horjeestey Xeerka Dakhliga iyo Canshuuraha.

Wasiirrada maaliyadda ee dowlad-gobolleedyada dalka ayaa qaadacay xeerka canshuuraha ee Sabtidii ay wasaaradda maaliyadda federaalka u gudbisay golaha shacabka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay shir ay Garoowe ku yeesheen wasiirrada maaliyadda maamul-gobolleedyada ayaa lagu sheegay in dhacdo cusub ay ku tahay in Wasiirka Maaliyadda uu xeerka canshuuraha dalka horgeyo golaha shacabka,isagoo aan la tashi kala sameeyn.
“Xeerkan uu wasiirku afduubay wuxuu si buuxda uga hor-imaanaya dastuurka maamullada iyo hab-fulinta xeerka cashuuraha dalka.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dowlad-gobolleedyada ayaa ugu baaqay golaha shacabka inaysan ansixin xeerkan oo ay ku sheegeen mid aan dhaqan gali doonin.
Go’aanka shirkan ka soo baxay waxaa soo dhaweeyay madaxweynayaasha dowlad-gobolleedyada Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed oo shir saddex geesood ah xalay ku yeeshay magaalada Garoowe.
Hoos ka akhri warsaxaafadeedka;
Share on Facebook