Maalintii Labaad oo Shirka Wadatashiga Dawladda Federalka iyo Maamul Goboleedyadu Garoowe Uga Socdo.

0
335
Wada-tashi uu dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad-gobolleedyada ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Shirka ayaa inta badan shalay diirrada lagu saaray xog-wareysi la xiriira xaaladda dalka iyo sida ay tahay in looga talaabo, sida laga soo xigtay ilo ku dhow shirka.
Waxaa lagu wadaa in maanta si rasmi ah loo guda-galo qodobbada shirka ,iyadoo aan wali loo soo bandhigin warbaahinta ajandaha shirka iyo muddada uu shirka soconayo.
Hoggaamiyeyaasha ayaa si qoto dheer uga hadlaya, xallinta khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya  iyo kuwa maamul-gobolleedyada, arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, doorashooyinka dalka, dhammaystirka dastuurka iyo qaybsiga khayraadka.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajio ayaa shalay furay shirka, waxaana goobta ku sugnaa ra’iisul wasaare Khayre , Madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland, Koofur-galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir.
Shirkan oo aad isha loogu hayo ayaa waxaa la dhowraya sida ay hoggaamiyeyaasha ugu heshiiyaan khilaafka u dhaxeeya ,arrimaha kale ee aad isha loogu hayo ayaa ah nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.