M/weyne Xaaf oo Ka Jawaab Celiyey Hadal M/weyne Farmaajo Ku Weerarey 15kii May.

0
314

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hadalo kulul oo aan looga baran ku weeraray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegay Xaaf in uu diiday qaadashada dawada xalka u ah Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo xalay khubad ka jeedinayay munaasabad ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyada Galmudug ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in cudurka haya Galmudug ee uu madaxweyuhu ka hadlay yahay mid markiisii hore-ba isaga uga yimid dhinaca madaxweyne Farmaajo ‘’isaga oo intaa ku daray in dowladda Soomaalida sida uu hadalka u dhigay fashilantay.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu weydiisatay in lagu caawiyo Galmudug hub iyo saanad ciidan oo lagula dagaalamo Al-shabaab, laakiin taa badalkeeda madaxweyuhu u qaatay ayuu yiri in aynu ku weerari doono Caabudwaaq.

‘’Madaxweyne Farmaajo waxaan weydiistay hub aan Al-shabaab kula dagaalano balse waxaa uu iigu jawaabay [Ma Caabud-waaq ayaad ku Weerari rabtaan} ayuu yiri Xaaf oo arintaas ku tilmaamay mid  lala yaabo oo nasiib daro ah.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhanka kale sheegay in madaxweyne Farmaajo mas’uul ka yahay sida uu hadalka u dhigay dhibaatada ka taagan deegaannada labada maamul ee Galmudug iyo Jubbaland oo sida uu hadalka u dhigay ah halka kaliya oo ay degan yihiin Jifada ama Qabiilka uu ka soo jeedo.

‘’Madaxweyne Farmaajo oo jifada ama Qabiilka uu ka soo jeedo waxey degaan ahaan deggaan Galmudug iyo Jubbaland, isaga ayaana labada maamul dhibaato ku haya;’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusayay 15ka May maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Xaaf uu diiday in uu qaato tallooyinka la xiriira xalka Galmudug, isaga oo ku kaftay in qofka xanuunsan looga baahan yahay in si sax ah uu u qaato dawada loo qoro.

Marka la eego hadallada ay warbaahinta isku marinayaan madaxda ugu sareysa dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul gobolleedyada ayaa muujinaya halka uu gaarsiisan yahay khilaafka labada dhinac oo ilaa iyo hadda aan wax xal ah laga gaarin.