Lafta Gareen M/weynaha K/galbeed oo Gaarey Garoowe Si uu Uga Qayb Galo Shir Halkaa Ka Furmi Doona.

0
324
Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa.
Laftagareen, ayaa Garoowe u tagay si uu uga qeybgalo shirka dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ee la filayo inuu halkaa ka furmo.
Wafdi ka socda dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa sidoo kale la filaya inay saacadaha soo socda gaaran magaalada Garoowe.
Dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa wada-tashi ka yeelanaya khilaafka u dhaxeeya iyo hannaanka doorashada ay u dhacayso, taas oo aan wali kala caddeyn, iyadoo shirkan uu labo maalin dib u dhacay, waxaana la filaya Sabtida berri ah inuu furmo.