Kooxo Ku Hubaysan Bistoolado Oo Masjid Dhexdiis Ku Dilay Nin Nabadoon ahaa.

0
423

Dabley hubaysan ayaa galabta casir liiqii waxa ay xaafadda Juungal oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ku dileen nin Nabadoon ahaay.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allahha u naxariistee Nabadoon Ibraahin Cariif oo isaga oo ku dhex jira masaajidka Sheekh Xasan Cadde ee xaafadda Juungal dabley hubaysan ay ku dhex dileen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay xilliga Nabadoonka la dilaayay inuu aqrisanaayay Kitaab, islamarkaana laba nin oo dhalinyaro ah ay gaysteen falka dilka ah.

Kooxdii ka dambeysay dilka Nabadoonka ayaa goobtaasi ka baxsaday kadib markii ay dileen Nabadoonka oo rasaas madaxa ay kala dhaceen.

Lama oga sababta loo dilay Nabadoonkaasi & waxa uu galabsaday, balse dilkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo Muqdisho maalmahan ammaankeeda uu ahaay mid hagaagsan.