Doorasho Waqtigeedi Laga Soo Hormariyey oo Ka Dhaceysa Dalka Austaria Kadib Sir Qarsoodi Lagu Helay.

0
406
Ra’iisul wasaaraha dalka Austria , ayaa shaaca ka qaaday in la qaban doono doorasho xilli hore ah,kaddib markii ku-xigeenkiisa uu isku casilay muuqaal sir ah oo la duubay sannadkii 2017-kii kaasi oo lagu muujiyay xiriirka Austria ay la leedahay Ruushka.
Waxaa lagu arkay muuqaalka ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalkaas,Heinz-Christian Strache oo ka tirsan xisbiga Freedom Party oo haweeney ka socota dowladda Ruushka u ballan qaadaya qandaraasyo in ay siin doonto xukuumada Vienna.
Muuqaalkaan ayaa waxuu noqonayaa fadeexadii ugu xumeyd ee soo marta dowladda wadaaga ah ee dalkaan ku yaal bartamaha qaarada Yurub.
Waxaa sidoo kale walaac looga muujiyay sida xisbiga Freedom Party uu kaga firfircoon yahay xisbiga  Liberal Democracy oo hoggaamiyo Ra’isul wasaare Sebastian Kurz.