Daawo:- Buunddo Muhiim ah Isu Socodka Dadka iyo Gaadiidka Gobolada oo Go’day Degmada Beledweyne.

0
1

Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegay in ay go’day Buundada deegaanka Ceel Gaal oo ka tirsan degmada Beledweyne, taasoo muhiim u aheyd isku socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfureed iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Qof ka tirsan dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay go’day Buundada kaddib markii ay Roobab xoogan oo ka da’een xalay deegaannada Waqooyi bari ee gobolka Hiiraan daadad soo rogmadayna ay ku dhufteen.

‘’Buundada gabi ahaanba wey qar-soontay meel ay ku tiilay xitaa cid garaneysaa ma jirto, daadadkii ayaa ka dul maray, hadda dadka deegaanka waxaa ay bilaabeen in ay barakacaan’’ Tuullada oo dhan biyo ayaa ku fatahay” ayuu yiri qofkaa la hadlay warbaahinta ee ku sugan deegaanka Ceel Gaal.

Wuxuu sheegay in Buundada ay ka go’day bartamaha iyo halka ay gaadiidku maraan, taasoo keentay in ay biyo si xowliya ku soconaya ay dulmaraan guud ahaanba Buundada’’‘’ Ma jirto cid ku dhimatay daadadkan, Roobab culus ayaana wali da’aya, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

War ku saabsan in ay go’day Buundadii Ceel Gaal ayaa noqoneya mid aan u wanaagsaneyn bulshada ku dhaqan gobolka, madaama ay aheyd marin isku xira isku socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala gudba gobollada Koonfurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya oo dhamaanba gaadiidka ku sii jeeda ay marin u sii aheyd Buundada Ceel Gaal.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiirana oo la xiriira arintan.