Wasaarada Amniga Puntland Oo Sheegtay In Duqeyn Lagu Dilay Hogaamiye Sare Ee Ka Tirsan Daacish.

Cabdisamad Maxamed Gallan Wasiirka wasaarada Amniga ee maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqaynta oo manata dhacday lagu dilay Cabdixakiim Dhoqobeed oo ah ku xigeenka Sheekh Cabdulqaadir Muumin isgoona sheegay in ay ku raad joogaan qaar ka mid ah hogaamiyayaasha daacishta ku sugan deeganada puntland.

Sidoo kale Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa warbaahinta u sheegay in Qof kale oo aanan weli la aqoonsan uu ku dhinta duqeynta maanta uu sheegay in ay ku dileen ku xigeenka hogaamiyaha daacish ee soomaaliya.

Ilaa hadda ma cadda cidda weerarka gaysatay, sidoo kale ciidamada milatariga Marayanka ayaan weli ka hadlin weerarkan ay sheegeen maamulka puntland in uu ku geeriyooday hogaamiye ka tirsan ururka daacish.

 

Share on Facebook