Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo Hugaamiyaha Himilo Qaran Shekh Shariif Shekh Axmed oo Kulan Yeeshay.

0
383

Madaxweynihii hore ee Soomaliya dhinaca kalana ah guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Shariif Sheekh Axmed oo wehliyaan xubno ka tirsan Xisbigiisa ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka labada dhinac oo ka dhacay xarunta Safaaradda Mareykanka ee xerada Xalane Dhab ahaan lama oga waxa ay hoos ahaan uga wada hadleen Shariif Sheekh Axmed iyo Safiirka hasse ahaateen ilo ku dhaw dhaw kulanka ayaa sheegaya in labada mas’uul isla soo qaadeen xaalada siyaasadeed ee guud ahaan dalka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay dhawaan magaalada Muqdisho waxaa uu waday kulamo xiriir ah oo la yeelanayay siyaasiyiin, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ugu danbeeyay kulankii uu la yeeshay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xashi Cabdullaahi.

Safiirka Mareykanka ayaa dhawaan magaalada Nairobi kula shiray qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada dalka oo ay ka wada hadlleen sidii meel looga soo wada jeesan lahaa dhismaha Qarannimada iyadoo meel leyska dhigayo khilaafaadka jira.