Friday, March 29, 2024
Home Wararka Saameynta Ka Dhalatay Cuna Qabateynta Al-Shabaab Ay Saartay Marka Oo Warbixin Laga...

Saameynta Ka Dhalatay Cuna Qabateynta Al-Shabaab Ay Saartay Marka Oo Warbixin Laga Soo Saarey. (WARXIBIN)

0
422

Dadweynaha ku nool magaalada Marka ayaa dhib ku qaba isbadalka maamullada kala duwan ee ku dagaallamaya gacan ku haynta magaalada.

Waxaa Marka kusoo noqnoqda hardan u dhaxeeya ciidamada dawlada iyo kooxda Al-Shabaab, arrintan ayaana sababtay in miciishaddu ay kor u kacdo, kadib markii ay cunaqabatayn ku soo rogeen kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-shabaab ayaa uga digtay dadka ku nool gobolka Shabeellada Hoose in aysan wax xiriir ganacsi ah la samayn deegaannada ay maamusho dawladdu oo ay Marka ka mid tahay.

 

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan dhibaatooyin ay wajahayaan dadweynaha isku daya in ay dhaqdhaqaaq ganacsi sameeyaan, halka dhanka kalena ay shacabku dhibaato ku qabaan sicir barar baahsan.

Waxaa aad u qaaliyoobay dhammaan adeegyada kala duwan ee lagama maarmnaanka u ah nolosha.

Dhawaan kooxda Al-shabaab ayaa rasaas ku furtay kalluumeysato doon wadatay, hal qof ayaana ku dhintay weerarkaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa Jilib, Gendarshe iyo Marka., sida uu sheegay guddoomiyihii hore ee Marka.

Wararka laga helayo shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dileen labo nin oo ganacsato ah oo ay u rarnaayeen laba gaadhi oo raashin u siday magaalada Marka, ka dib markii ay u galeen waddada u dhaxeysa magaalooyinka Janaale iyo Buufoow.

Guddoomiyaha magaalada Cabdullaahi Cali Axmed ayaa BBC-da dhawaan uga waramay sababta keentay sare u kaca maciishadda wuxuuna yidhi: “Ka dib markii ay dowladda amartay in waddada xeebta marta ay xirantahay, iyagana waxay ku dhawaaqeen in ay xirantahay waddada kale ee xagga Janaale soo marta, muddo 5 illaa 6 maalmood ka hor ayay arrintaas dhacday”.

Waxa aad u adag in wararka laga helo shacabka ku nool gudaha magaalada

Magaalada Marka waxay caasimada Mudishu u jirtaa qiyaas dhan 90km, waana magaalo madaxda gobolka Shabeellaha Hoose.

Jahada bariga waxaa Marka ka saaran xeebta badweynta Hindiya.

Nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Marka ayaa ku tiirsan ganacsiga kala duwan sida, kaluumaysiga iyo badeecooyinka kala duwan ee uga yimaada jihooyinka badda iyo barriga.