Mudaharaadyo Looga Soo Horjeedo Dilka Shacabka oo Muqdisho Ka Billawdey Kadib Toogasho Loo Gaystey Wadayaal Gaadiidka Dadweynaha.

0
366
Wadeyaasha ku shaqeysta gaadiidka Mooto Bajaajta ee magaalada Muqdisho ayaa dibadbaxyo ka dhigaya isgoyska howlwadaag ee magaalada Muqdisho, halkaasoo saaka askari ka tirsan Booliska uu ku dilay wiil kamid ah dhalinyarada ku shaqeysta Mooto Bajaajta.
 
Dadkan oo aad u careeysan ayaa dhigaya dibadbax rabashado wata, ayadoo wadooyinka ku gubaya Taayarro.
 
Qaar kamid ah dibadbaxayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan u dulqaadan Karin dilalka loo geeysanayo dadka aan waxba galabsan ee muruqmaalka ah, waxayna codsanayaan in caddaaladda la horkeeno askariga geeystay dilka.
 
Dhinaca kale, wadeyaasha gaadiidka dadweeynaha ayaa waxa ay iyaguna dibadbaxyo ka dhigayaan Ex-Koontorool Afgooye, waxaana ay ka cabanayaan lacago badan oo ay sheegeen in ay ka qaadaan Booliska sidaa oo ay tahayna aysan heysan wadooyin ay maraan.