Golaha Xukuumadda Somaliland oo Maanta Sadex Wasiir Warbixin Ka Dhegaystey,Afhayeenkuna Saxaafadda La Hadley.

0
356

Shirkii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta warbixino laga dhagaystay wasiirada maaliyada, beeraha iyo biyaha, kuwaas mid waliba ka hadlay wixii u qabsoomay iyo baahiyaha jira wasaaradiisa.

Shirkan golaha wasiirada waxa shirgudoominayey madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), waxaana ugu horeyn warbixintiisa soo jeediyey wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire.

Wasiir Shire wuxuu is barbar dhig ku sameeyey saddex biloodkii sannadkii hore Jan-march ee 2018-ka iyo saddex biloodka sannadkan 2019-ka ee bilaha Jan-march, waxaanu isdul taagay wasiirku isbedelka sanadkani ku yimid arrimaha dhoofka (Export) iyo soo dejinta (Import) oo aad uga sareeya wakhtigan marka la barbar dhigo saddex biloodkii sanadkii tegay.

Waxa kale oo wasiirku uu xusay in hoos u dhac weyni ku yimid arrimaha sicir bararka (Inflation) oo isbedel balaadhan laga gaadhay marka loo eego sanadkii hore bishii march oo uu ahaa 18.9% halka sanadkan bisha march ka ahaa 7.0%. waxaanu wasiirku iftiimiyey in dhakhliga saddex biloodka Jan-March ee sanadkan 2019-ku uu sameeyey kor u kac gaadhaya 43%, marka la barbar dhigo saddex biloodkii Jan-march ee 2018-kii.

Dhinaca kale waxa goluhu warbixin ka dhegeysteen wasiirka Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed oo sharaxay xaaladda roob yaraanta ee sanadkan iyo dib u dhac ku iman doona wax beerista dalagyadii loo qorsheeyey inay ku baxaan roobabkii la filayey inay ku da’aan wakhtigii la sugayey sannadkan, waxaanu xusay wasiirku inay xooga saari doonaan beerista midhaha ku baxaya wakhtiga kooban sida qamandiga, gallayda IWM.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa golaha u akhriyey warbixin la xidhiidha safar uu dhawaan ku soo maray qaar ka mid ah gobollada bariga, waxaanu wasiirku ku dheeraaday biyo yaraan soo foodsaartay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Saraar iyo baahida ay u qabaan inay helaan biyo ku filan wakhtigan.

Ugu danbayn goluhu isaga oo ka duulaya dareensanna ahmiyada ay doorashooyinku u leeyihiin qaranka Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan.

Sidaas waxa warsaxaafaeed ku soo saaray afhayeenka madaxweynaha Maxamuud