Dowladda Oo Loogu Baaqay In Ay Cadaaladda Horgeyso Askarta Disha Dadka Rayidka Ah.

Duubabka iyo odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay in ay sharciga iyo cadaalada horgeyso askarta caadeysatay dilka dhalinyarada ku shaqeysata gaadiidka loo yaqaan Mooto Bajaajta.

Odayaashan oo xalay shir ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan la aqbali karin dilalka joogtada ee loo geysanayo dhalinyarada ku shaqeysatada Bajaajta iyagoona dhanka kale shacabka ugu baaqay in ay isdajiyaan oo ay dhowraan kala dambeynta iyo dowladnimada xili shalay mudaharaadyo rabshado wata ay hareeyeen qeybo kamid ah Muqdisho.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in dowladda Federaalka lagula xisaabtamayo masuuliyadda ay u hayso shacabka maadaama ay sheegeen in ay caqabado iyo dhibaato badan ay wajahayaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Iimaamka Maxamed Yuusuf oo ah imaamka guud ee beelaha Mudulood oo shirka ka hadlay ayaa ku dhawaaqay shirweyne looga arinsanayo xaaladda Muqdisho isagoona dhanka kale shacabka ugu baaqay in la ilaaliyo daganaanshaha lana joojiyo mudaharaadyada.

.

 

Share on Facebook