Mareykanka Oo Sheegay In Duqeyn Uu Ku Dilay Rag Ka Tirsan Al-shabaab iyo Halka Uu Ka Fuliyey.

Taliska Mareykanka ee Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa war kasoo saaray duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanku ka fuliyeen deegaano kamid koonfurta Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in habeenimadii xalay ay diyaaradaha dagaalku weerareen fariisimo Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Huleey oo ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose.

Waxa ay sheegeen in duqeyntaasi diyaaradeed ay ku dileen ilaa 2 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab hayeeshee uusan jirin khasaare kasoo gaaray dadka rayidka ee dagan deegaanka ay weerareen sida lagu yiri warka qoraalka ah.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fuliyaan deegaanada ay Alshabaab kaga sugan yihiin bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya waxaana marka laga yimaado beegsiga saraakiisha iyo saldhigyada Alshabaab ay khasaare kasoo gaaraan duqeymaha dad rayid ah.

Share on Facebook