Xoojinta Xuquuqul Insaanka oo ay Kawada Hadleen Itoobiya iyo Qaramada Midoobey(Akhriso).

0
343

Madaxa hay’adda xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay , Michelle Bachelet, ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu dowladda Itoobiya ka caawin doono caqabadaha ka haysta xuquul Insaanka.

Mss Bachelet, oo  magaalada Addiis ababa kula kulantay, Madaxweynaha dalka Itoobiya , Sahle-Work Zewde, ayaa sheegtay in ay sidoo kale ka  wada hadleen sidii loo dhiirri gelin lahaa is-beddelada iyo fursadaha ka  jira dalkaasi.

Michelle Bachelet, ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku hanweyntay hirgelinta waxyaabihii ay ka wada hadleen iyada iyo Madaxweyne, , Sahle-Work  Zewde, maaddaama uu golaha Wasiirrada ee dalkaasi yahay kala bar  dumar, kaas oo ah dalka koobaad  ee muhiimadda siiya Haweenka marka la eego  Qaaradda Afrika.

Horraantii 2018-kii, markii la la doortay Ra’iisul wasaare Abiy  Axmed, waxaa dalka Itoobiya xilal kala duwan oo ay ku jiraan kuwo muhiim  ah loo dhiibay Haween , waxaana kala bar golaha wasiirrada laga dhigay  dumar, iyadoo sidoo kale ay Madaxweyne ka noqotay, Sahle-Work Zewde,  taas oo keentay in lala dagaallamo musuqa, lana yareeyo tacaddiyada ka  dhanka xuquuqul Insaanka.