Haweenka Puntland oo Gabi’ahaan Qaadacey Habka Soo Xulista Beelaha ee Xukuumada uu Dhawaan Magacaabey M/weyne Dani.

0
7

Haweenka Puntland ayaa Qaylo Dhaan Ka Muujiyey Xukuumadda uu Soo Dhisay M/weyne Saciid C/llaahi Dani iyagoo Sheegaay In Dhismaha Dawladda Puntlan ay ku Qatanyihiin Hay’adaheeda Aas Aasiga ah Sida Barlamaanka Xukuumadda, Caddaaladda iyo Garsoorka,iyagoo Eedda Wada Saarey Xildhibaanada,Odayaaasha Beelaha iyo Madaxweynaha Saciid Dani.

Mid Kamid ah Haweenka Ugu Aqoonta iyo Khibradda Badan Maamulka Puntland Idil Cabdi Khaliif(idil Ajaaye) Waa Gabar Aqoon iyo Kibrad Kufilan Haysata,waxey Debedda Uga Timid In ay Dalkeeda iyo Dadkeeda uga Faa’iideyso Aqoonteeda,waxey Hore usoo Noqotey Hadana Tahey Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxeyna Wax badan kusoo Kordhisey Hawlaha Wasaaradda.

Waa Gabar Dhalinyaro ah oo Aad ugu amaaneyd Kartideeda iyo Shaqadeeda,Waxey Doonatey Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ay aad ugu Kalsooneyd in ay Hawshaas Aqoonteeda iyo Khibradeeda Leedahey,hase Yeeshee Ma aaney Helin Xilkii waana Laga Waayey Liiskii uu Soo bandhigey M/weyne Saciid Dani,Maxeyse Tahey ama Loo aaneyn karaa In Idil Xilkaas Loo Magacaabi waayo?

Dad Badan oo Saadaashoodu aheyd In Xilkaas Idil Mudantahey Kuna Soo Bixi doonto Labo Sababood awgood,Aqooneeda,iyo in ay Tahey Qof Dumar ah ayaa Warbaahinta Warsom uga Jawaabey Sababta,waxeyna Yiraahdeen Idil Cabdi Khaliif Aqooni Ma Reebin ee Beeshi ay ka Dhalatey Ayaa Tiri Anaga Kursigeena Gabari Kuma Fariisaneyso Namana Meteleyso,Inta Badana Beelaha Puntland Wey ka Simanyihiin Arintaas waana Xadgudub Haweenka iyo Xuquuqdooda Loo Gaysanayo.

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux Timajilic oo aan Cabashada Haweenka Puntland Wax ka Weydiiney ayaa Ku Tilmaamey Nasiib darro iyo Wax aad Loogaa Xumaado In Beelaha Soomaaliyeed aaney Wali Fahmin Qiimaha iyo Doorka Haweenku Bulshada Ku Dhexleeyihiin,Balse uu Haweenka iyo Gabdhaha Soomaaliyeed Kula Taliyey In ay u Dhabar adeygaan Xaqiraada Qabaa’ilka ayna Ogaadaan in Guusha ay Dhankooda Soo Maridoonto Marka Laaga Gudbo Marxaladan Qabiil wax ku Qaybsiga ah ee Loo Gudbo Doorasho Qof iyo Cod ee Nidaamka Tartanka Xisbiyada Badan,Sidaas awgeedna La Rabo Haweenku in Hadda ay Xisbiyada Galaan Xilal Sar Sarena Ka Qabtaan.

Aqoonta iyo Khibradda Idil Cabdi Khaliif (Idil Ajaaye)