Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo Dawladda Federalka Ka Dalbadey In ay Sharaxaad ka Bixiso Wixii Baydhabo ka Dhacey.

0
385

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayom ayaa Qoraal uu soo saaray kaga dalbaday dowladda Soomaaliya in faah faahin ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo iyo sida uu u dhacay xarrigga Mukhtaar Rooboow.

Warqaddaas ayuu kaga hadlay saamaynta ka imaan karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay inay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan Diisambar, iyo dhimashada 15 rayid ah iyo dhaawaca laba qof oo kale iyo weliba qabqabashada 300 kale oo ku lug lahaa bannaanbaxyo dhacay saddexdaasi maalmood ee kala ahaa 13, 14 iyo 15-ka, dadkaasi oo 254 ka mid ah la hayey wax ka badan 48 saacood inkastoo la sii daayey muddadii u dhaxaysay 18-22-ka Diismabar.

Nicholas Hyasom waxa uu warqadda ku sheegya in dadka la qabqabtay la sheegya inay u badnaanyeen carruur.

Waxaa uu sheegay in qaraararada Golaha Ammanaka ee Qaramada Midoobay ay adkaynayaan in kaalmada Qaramada Midoobay ay ku xidhnaanto ilaalinta xeerarka xuquuqda aadanaha. Waxa uu sheegya in Qaramada Midobay ay haatan taageero siiso ciidamada boolisika federaalka iyo ciidamada booliiska Koonfur Galbeed.

Haysom ayaa sheegay in uu qoraal ka helay Midowga Yurub, Jarmalka iyo Britain kuwaasi oo u sheegay inay hakinayaan kaalmadii ay siin jireen ciiddamada booliiska Koonfur Galbeed iyaga oo sabab uga dhigaya hab dhaqanka ciidanka booliiska Koonfur Galbeed ee xilligii doorashada iyo hadallo uu jeeedyey Taliyaha ciidamada Koonfur Galbeed.

Qoraalkiisa ayuu ku sheegay in warar lagu kalsoon yahay ay u sheegeen in qabashda Mukhtara Roobow ay ka dambeeyeen ciidamada Itoobiya qaybtooda fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba.

Waxaa uu sheegay in muddo kooban lagu hayey xarunta ciidamada 3-aad ee AMISOM oo ah kuwa kuwa Itoobiya kadibna lagu wareejiyey ciidamada amniga Soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku daray in ay helay warqadii Wasaarradda Amniga ka soo saartay xariga Roobow balse ee cuskatay in uusan ka soo wada bixiin shuruudihii dhaqan celinta iyo in uu hub iyo ciidan soo galiyey magaalada Baydhaba si uu xasilloni darro u abuuro.

Haysom waxaa uu sheegay in haddii eedahaas la xaqiijiyo ay yihiin kuwo culus,. Hase yeeshee waxaa uu sheegay in aan weli Roobow la hor keenin maxkamad, islamarkaana aan dambi lagu soo oogin.

Haysom waxaa uu ka dalabaday wasiirka Amniga Soomaaliya Maxmamed Abuukar Islow in uu sharraxaad ka bixiyo sharciga loo cuskadaay qabashada Roobow; ciidanka Soomaaliyeed ee hawsha fuliyey, iyo haddii ay taageero ka codsadeen ciidamada Itoobiya.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay in uu soo sheego tallaabooyinka la qaaday si loogu baahdo xaaladda ay ku dhinteen dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmay intii u dhaxaysay 13-15 kii Diisambar, ciidamada hawsha ku jiray makrii uu socdeen banaanbaxyada Baydhaba iyo su’aalo kale.