R/wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo Dalka Kenya U Amba Baxey Hawlo Shaqo Awgood.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka u ambabaxay magaalada Nairobi, kaddib martiqaad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha iyo  Amniga.

Labada dal ayaa horay u galay heshiisyo kala duwan oo la xiriiray ganacsiga iyo socdaalka, inkastoo qeybo ka mid ah heshiiskaas aanu dhaqan gelin.

Kulamada labada Mas’uul ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha la dagaalanka Argagixisada, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab, iyadoo Kenya ay qeyb ka tahay howlgalka AMISOM oo Ciidamo kumanaan askari ka joogaan Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa 15kii bishan weerar culus ku qaaday Hotel ku yaalla magaalada Nairobi, kaa oo lagu dilay dad kor u dhaafaya 21 ruux.

Share on Facebook