Qarax La Dhigay Wadada Dhinaceeda oo Ku Qarxey Goob Gaadidka Lagu Baaro Geysteyna Qasaare Dhimasho iyo Dhaawac.

0
388

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaare sababay oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Qarax uu ka dhacay goob gaadiidka lagu baaro oo ay joogaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Isgoyska Carwo Itko, waxaana lagu waramayaa in qaraxa oo ahaa miino waddada dhinaceeda la dhigay ay ku geeriyoodeen labo ruux oo shacab ah.

Sidoo kale waxaa qaraxan la sheegay in uu ku dhaawacmay Askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xaley ayeey aheyd markii Qarax lagu soo xiray gaari nooca gurmadka deg deg ah lagu dhaawacay Dhakhaatiir Ajnabi ah magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ammaanka, ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan cidda miinada halkaasi galisay ee qarxisay, waxaase meesha laga qaaday maydka labada ruux.