Madaxtooyada Puntland oo Casho Sharaf U Sameysey Madaxda Dawladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

0
3
 
Madaxweynaha  Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda dowlad-gobolleedyada dalka ee Garoowe kaga qaybgalay xafladdii caleema-saarka.
Casha sharfata uu sameeyey Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha  dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan maamul gobolleedyada , Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya  Cali Maxamed Geeddi, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.
Munaasabadda casho sharafta ah ayaa ahayd mid lagu maamuusayey Madaxda Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay xafladda caleema saarka Madaxda cusub ee  Puntland, munaasibaddan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa fannaaniin caana oo madasha ku soo fandhigay suugan wadani ah iyo kuwo ay ugu talagaleem Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland.
Ugu dambayn, Madaxweynaha  Puntland , Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka iyo mas’uuliyiinta kasoo qayb galay casho sharafta u gacan qaaday mid mid waxaana uu ugu tegey shakhsi kasta goobta uu ka fadhiyo Madasha.