M/weyne Uhuru Kenyatta oo Ka Hadley Weerarkii Shaley Al-shabaab Ku Qaadeen Dustin Hotel ee Magaalada Nairobi.

0
373

 

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in la dilay dhamaanba raggii weerarka ku qaaday galinkii danbe ee maalintii shalay weerarka ka geystay magaalada Nairobi, taasoo macnaheedu yahay in la soo afjaray howlgalka.

Isaga oo ka hadlayay warbaahinta dowladda ayuu sheegay Kenyatta in weerarkii shalay inta la og yahay ay u dhinteen 14 ruux weerarkaa oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Al-shabaab.

Mr Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in illaa 700 oo qof la soo badbaadiyay, waxaana dadka dhaawacmay u rajeeyay caafimaad degdeg ah, halka kuwa dhintay uu eheladooda u tacsiyadeeyay.

Waxaa uu sheegay in ay ku jiraan xaalad feejignaan aad u sareysa,  waxaa uu u xaqiijiyay dadka Kenyanka iyo kuwa Ajnabiga inay tahay Kenya  mid ammaan ah.

Wali faah faahin rasmi ah lagama hayo tirada rasmiga ah dableyda weerartay dhismaha hasse ahaatee muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkay Afar ka mid ah dableyda gudaha u gashay xarunta, lamana oga in saddexdaa oo kaliya ahaayeen iyo in ay jireen rag kale oo weerarka qeyb ka ahaa.