Dawladda Dalka Kenya oo Qaramada Midoobey Ka Dalbatey In La Dagaalanka Al-shabaab Laga Caawiyo.

0
2

Kenya ayaa ku boorrisay Qaramada Midoobay in ay maal-galiso howlgalka la-dagaallanka Al-Shabaab ee Soomaaliya, taasoo xoojineysa ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya ay helaan awood dheeraad ah oo ay kaga adkaan karaan AL-shabaab.

Xog-hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya Ababu Namwamba ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xakameeyo khidmooyinka maaliyadeed ee soo gala Kooxaha Argixisadda ah, taasoo badalkeena Qaramada Midoobey looga baahana yahay in ay taageero dhaqaallo ay siiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan u baahan in aan ogaano in ay muhiim tahay Xaaladda Soomaliya maanta ay ku sugan iyo awoodeeda dhanka Ciidanka ah, Markaan Qaramada Midoobey waa in ay taageero ay siisaan Soomaaliya si loo helo dadaallo lagu dagallamaayo Argagixisadda” ayuu yiri Ababu Namwamba

Waxaa uu aad u dhaliilay howlgalka AMISOM oo uu sheegay in uu ka gaabiyay shaqooyinkii loogu tala galay, islamarkaana ay ka fiirsanayaan ciidamada AMISOM dhaqaallaha ay helaan taas badalkeed ay gabeen dagaalka Al-Shabaab.