Darawal Mooto Bajaaj oo Askeri Ka Tirsan Ciidamada Dawlada Federalka uu Toogasho Ku Dilay.

0
369

Wararka ka imanaya deegaanka Garasbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu halkaa ku dilay mid ka mid ah dhalinyarrada ku shaqeysata Gaadiidka Mooto Bajaajka.

Marxuumka la dilay ayeey dadka deegaanku magaciisa ku sheegeen Carab Siidoow oo ka mid ahaa Darawaladda Mooto Bajaajka oo caan ka ahaa deegaanka, waxaana la sheegay in Askarigii toogashada geystay uu goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo tagay halka ay toogashadu ka dhacday ayaa bilaabay baaritaanno ay ku baadi-goobayaal Askariga dilka geystay.

Dilka maanta ayaa noqonaya kii ugu horeeyay sanadkan cusub ee maanta dhashay 01 Janaayo 2019ka oo ay warbaahintu tabisay.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii sidan oo kale Askari ka tirsan isla ciidamada dowladda degmada Kaaraan uu ku dilay Nin dhalinyarro ah oo wadde ka ahaa Mooto Bajaaj ,hasse ahaatee ciidamo ka tirsan dowladda ayaa markii danbe toogasho ku dilay askarigii dilka geystay oo ku dhuumaaleysanayay Guri aan ka fogeyn halka uu falku ka dhacay.

Dilalka askarta ay u geystaan darawalada bajaajlayaasha ayaa ka dhasha dalab ay ciidamada ka dalbadaan darawalada bajaajlaha inuu siiyo lacago baad ah balse marka uu bajaajluhu ka dhego adeygo amarka ayaa sababta in askarigu uu adeegsado qorigiisa uuna dilo bajaajlaha.