Dabkii Xaley ka Kacey Suuqa Weyn ee Bakaaraha oo Gaystey Khasaare aad U Daran iyo Dad Ku Hanti Beelay.

0
372

Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya dhinaca kalana ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu ballaaran marka la eego Geeska Africa, ayaa waxaa xalay qabsaday dab aad u weyn oo looga soo gurmaday damintiisa qeybaha ay ka kooban tahay Muqdisho.

Dabkan oo markii hore ka bilaawday qeybta lagu iibiyo Dharka Huudheyda iyo Joodariyaasha ayaa markiiba ku fiday qeybo kale oo isla suuqa ka tirsan, sida ay Warbaahinta Warsom u sheegeen qaar ka mid ah dadkii halkaa gurmadka u tagay.

‘’Dabkan waxaa oran karaa waa kii ugu weynaa oo waayadan soo mara suuqa oo marar badan ooh ore sidan oo kale uu dab uga kacay, hasse ahaatee kii xalay waxaa la dhihi karaa waa kii ugu ballaarnaa oo waayadan aan arko’’ ayuu yiri qof ka mid ahaa dadkii xalay ku kaacay markii ay ka war helleen warka ku saabsan dabka qabsaday suuqa.

Wuxuu sheegay in uu isku fidiyay laga soo bilaabo qeybta Huudheyda ilaa laga soo gaaro qeybta kale ee lagu iibiyo maacuunta ee Suuqa Khaliifa, halkaa oo laga dheehan karay saameynta uu lahaa dabka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan oo markii danbe lagu guuleystay in la damiyo.

Suuqa Bakaaraha. Waa xuddunta dhaqaalaha Soomaaliya, hantida taallana waxay u dhiganta balaayiin dollar.