Shaqaaqo Is-rasaaseyn Dhalisay oo Labo Maleyshiyo Ku Dhex Martey Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

0
349

Israsaasayn ka dhacay Bariga magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa laba nin ku dhinteen oo ka mid ah labadii kooxood, waxaana ku dhaawacmay sida la sheegay wiil arday ah oo goobta marayey.

Is rasaasayntan oo daba socotey fallal dil ah oo xili hore ka dhacay goobo ka mid ah degmada Taleex ee Gobolka Sool.

“Waxaan markeliya maqalay Dhawaqa rasaasta oo aan moodayey in ay korkayga ka dhacayso, waxaana waxyar ka dib ogaadey in meherada aan fadhiyey dhinaceeda ka dhacayso, waxbadan maan fahmin illaa xaalku kala degey” sidaa waxaa WARSOM u sheegay Cali Maxamuud oo goobjooge ahaa.

Ciidanka Booliska ayaa wada olole ay ku soo qabqabanayaan wixii falkaasi dhacay ku lug lahaa, waxaan sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska uu ii sheegay in intii badnayd la soo qabtay,Arintan ayaan xiisad badan ka abuurin magaalada Laascaanood.