Safiirka Soomaaliya U Fadhin Doona Dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo Waraaqihii Aqoonsiga Laga Gudoomey.

Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalka Kenya,Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii ganacsi xor ah uu u dhexmari lahaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya, isagoo inta ku daray in dalka Kenya uu yahay midka ugu muhiimsan oo xiriir wanagsan ay la yeelato Soomaaliya.
Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa maanta waxaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga uga guddoomay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxa uu ka mid ahaa safiirka Soomaaliya ilaa 17 danjire oo madaxweynaha Kenya uu waraaqaha aqoonsiga maanta ka guddoomay.
” Runtii waxaan la kulmay safaarad wanagsan nadiif ah oo qurxoon  , ma fileyn inay sida ahaato safaaradda..  Cali Bagadi iyo mas’uuliyiinta kale ee gacanta ku hayay aad ayaan uga mahadcelinaya.” ayuu yiri Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
” Calaqaadka Kenya iyo Soomaaliya waa mid aan rabno inuu aad u xooggeysto,sababto ah markaad fiirisid xaaladda hadda dadka Soomaalida ah ee jooga Kenya dhaqaalaha ay ku heystaan, markaad fiirisid xaduudka naga dhaxeeya oo Shabaab ka ugaarsato dadka, markaad fiirisid dhaqaalo ahaan iyo bulsho ahaanba, waxay ila tahay aragtideyda inuusan jirin waddan Kenya nooga muhiimsan haddii ay jirtana uu yaryahay.” ayuu raaciyay safiirka cusub oo la hadlay BBC-da.
Safiirka, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in siyaasada madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan dowladaha dariska ah oo ay Kenya ka mid tahay inay tahay inaysan wax shaqaaqo ah ka dhicin, ‘Kenyana kuma sii jirto waa waddan intaas oo Soomaali ah ay ku noolyihiin ganacsi badana ay ku leeyihiin” ayuu yiri.
Waxa uu ku dhiirrigaliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya inay dhaqaalo iyo ganacsiba ku celiyaan dalka, isagoo sheegay inuu kala shaqeyn doono sidii looga siin lahaa Soomaaliya dhul ,si ay ganacsigooda u garsiiyaan.
Danjire Tarsan, ayaa sidoo kale sheegay in aragtidiisa ay tahay oo ay ka go’antahay in la dhiso safaaraddii Soomaaliya iyo dhulka ay ku leedahay magaalada Nairobi, isagoo bulshada Soomaaliyeed iyo ganacsatada ugu baaqay inay ka qaybqaadato dhismaha safaaradda, si loo helo safaarad iyo dhul ay leedahay Soomaaliya.
Magacaabida Tarsan ee Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa meesha ka saari doonta muddo sanad iyo bilooyin oo ay Safaaradda Soomaaliya aheyd Safiir la’aan.
Tarsan ayaa horay u ahaa La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu ka mid ahaa musharaxiintii isu sharaxday xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashadii 8-dii February sanadkii 2017-ka, waxa uu sidoo kale horay u soo noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, xilligii ugu adkaa oo magaalada Muqdisho qeybo badan gacanta ku hayeen al-Shabaab.
Share on Facebook