Safiirka Cusub ee Dalka Turkiga oo Wasiirka Arrimaha Debedda Soomaaliya uu Ka Gudoomey Nuqul Kamid ah Waraaqaha Danjirenimo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad  ayaa kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mehmet Yilmaz, Danjiraha idman ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Cawad, ayaa u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, boggaadiyayna xiriirka taariikhiga ee uu dhexeeya laba dal ee walaalaha ah. Waxa uu carabaabay sida uu u tixgelinayo dadaalka Ankara ee xoojinta xiriirka laba geesoodka.

Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka laba geesoodka.
Turkiga waa mid ka mid ah dalalka caalamka ee sida dhow u taageerray Soomaaliya, waxaana caasimadda Muqdisho ku taalla safaaradda ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay dibadda.
Share on Facebook