Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka K/galbeed oo Ciidamada Amnigu Hawl-gal Ka Billaabeen.

Ciidanka amniga magaalada Baydhabo ayaa wada howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidanka amniga ee xarunta gobolka Baay.
Howlgallada ayaa xooggooda  ciidammada waxaa ay fuliyeen labadii habeen ee u dambeysay,kaddib markii weerarro bambaano oo sababay dhaawacyo ay ka dhaceen magaalada Baydhabo,  iyadoo xalay bam- gacmeed lagu weerarray fariisin ciidanka Amniga ku sugnaayeen, kaasoo sababay dhaawaca saddex askari.
Ma jirto cid loo soo qabtay weerarrada,waxaana saraakiisha ay u sheegeen warbaahinta in howlgallada ay socon doonan,kuwaas oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka magaalada Baydhabo.
Howlgallada ayaa ku soo aadday ,iyadoo loo ballansanyahay 19-ka bishan in lagu qabto magaalada Baydhabo doorashada madaxweynaha Koonfurgalbeed oo dhowr jeer oo hore dib u dhacday.
Share on Facebook